Salami ayaa yiri “Israa’iil waxay weerartay 14 ka mid ah maraakiibteena si aan saliideena loo dhoofin.” Waxa uu intaa ku daray: “Markii hore manan garaneyn cidda soo weerartay maraakiibta, laakiin waxaan ogaanay inay tahay maamulka Israa’iil…. Waxaan kaddib qaadnay weerarro aan ku beegsanay 12 markab oo ay lahayd Israa’iil , kaddib ayay inoo sheegeen inay joojinayaan weerarrada maraakiibteenna.”
Ma uusan sheegin taariikhda ay weerarradan dhaceen.