Heemaal News Network

Iran Oo Pakistan ka soo Iibsanaysa Diyaaradda Dagaal Ee JF-17

Iran ayaa lagu warramaya inay billaabayso wada-xaajood ay uga soo iibsanayso Pakistan diyaaradda dagaal ee JF-17 Thunder oo ay si wadajir ah usoo saareen Pakistan iyo Shiinaha, iyadoo ay soo baxayso inay Iran ku dheeratay iskudayga ay Ruushka uga helayso diyaaradaha Su-35 oo ay muddo dheer dadaal ugu jirtay, sida ay ku warrantay warbaahinta Iran.

Diyaaradda dagaal ee JF-17 Thunder, oo qiimo ahaan halkeedii xabo lagu iibiyo $25 milyan , waxaa lagu sheegaa inay tahay diyaarad leh awoodda diyaaradda uu Mareykanku soo saaro ee F-16.