Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sida uu ku warramayo telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay inay Ku guuldareysteen in la xakameeyo duullaanka khatarta ah ee ka socda Suuriya, wuxuu horseedi doonaa inay Suuriya u noqoto gabaad iyo xarun dhaqdhaqaaqyada argagixisada…
“Ma jiro waddan gobolka ka mid ah oo ka badbaadi doona saamaynta fowdada iyo amni-darrada Suuriya.”
Araghchi, ayaa sidoo kale sheegay taageerradooda Falastiin iyo Lubnaan ee ka hortagga gardarrada Israa’iil inay tahay mabda’ ay si adag u sii wadi doonto Iran.
Hadalkan waxaa laga yaaba inuu ka dhiganyahay calaamad muujinaysa inan la arki doonin nidaamka Bashaar Al-assad oo ka sii shaqeynaya gudaha Suuriya , dalkaa oo hadda galaya xaalad aan hubaanti lahayn..!
Dhinaca kale dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ee ay hoggaamiso kooxda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay, waxaa lagu sheegay in ay waajib ku tahay ilaalinta hay’adaha dawladda, ururrada caalamiga ah iyo xafiisyada Qaramada Midoobay, iyadoo waxyar ka hor muuqaal uu la wadaagay ciidanka mucaaradka hoggaamiyaha mucaaradka, Abu Mohammad al-Jolani uu u sheegay dagaalyahannada inay ilaaliyaan ciidanka Booliiska iyo xarumaha hay’adaha dawladda, isagoo ku sheegaya in dib loo howlgalinayo mar kasta oo ay qabsadaan magaalooyinka ama deegaannada.
Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ,Abu Maxamed al-Julani ayaa sheegay qof kasta oo ka goosta nidaamka Assad inaysan jirin cid dhibaateyn karta; “Si aad xasillooni iyo badqab u joogtid Suuriya, waa inad ka soo baxda nidaamka Assad”, ayuu yiri Julani.
Ciidamada Xorta ah ee Suuriya oo ay hoggaamiyaan saraakiil ka goostay nidaamka Bashaar Al-Assad ayaa ku guuleystay inay jabiyaan go’doomintii muddada 9-ka sanno ay ku jireen dadka la dejiyay xerada Rukban ee deegaanka Tanf ee ku taal xudduuda u dhexeysa Suuriya, Ciraaq iyo Jordan, iyadoo tan iyo waqtigaa loo diidday inay ka bixi karaan in ka badan 8 kun oo barakacayaal Suuriyaan ah si ay ugu laabtan guryahooda, sida uu baahiyay Syria TV.
Shabakadda CNN, ayaa ku warrantay inaysan jirin wax ilaalo ah oo ku sugan madaxtooyadda Suuriya ee Dimishiq, taa oo muujinaynaysa meel kasta oo la qiyaasi karo oo gudaha Dimishiq ah inuusan joogin Bashaar Al-assad.
Warkan wuxuu sare u qaadayaa, wararka la xiriira inuu Assad ka baxay magaalada Dimishiq oo deegaannada ku hareeraysan ku suganyihiin mucaaradka.