Heemaal News Network

Iran Oo Sheegtay in aanay Uga Dari-doonin Xiisada Bariga Dhexe Balse la Ciqaabi doono

Iran ayaa sheegtay in aysan dooneyn in ay sii huriso xiisadaha kala duwan ee ka taagan bariga dhexe, balse dhanka kale ay aamminsan yihiin in ay lagama maarmaan tahay in la ciqaabo Israa’iil si looga hortago xasillooni darro kale oo gobolka ka dhacda.

Hadalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Tehraan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil filayso in la kulmaan weerar gantaallo ah oo daba dheeraada oo kaga yimaada Iran.

Warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in Iran ay ogeysiis siisay duullimaadyada ganacsiga si ay uga fogaato in ay dul maraan hawadeeda badhtamaha iyo galbeedka. Xiisadan sii kordheysa ayaa daba socota dilkii todobaadkii hore lagu dilay Tehran madaxii siyaasadda ee Xamaas, iyo taliye sare oo ka tirsan kooxda Xisbullah ee Lubnaan.

Dilalkaas kaddib ayay Iran wacad ku martay inay u aargudi doonto raggaas.Dhanka kalena Tiro sii kordheysa oo dalal ah ayaa ku booriyay muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan sida ugu dhakhsaha badan.