Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Ankara ka sheegay in si dhaqso loo qaban doono kulan saddex -geesood ah oo u dhaxeeya Turkiga, Ruushka iyo Iran si looga wadahadlo xiisadda Suuriya.
Muxuu ka dhiganyahay hadalkan?
Araghchi, wuxuu la kulmay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan — wuxuu kulanka ku sheegay inuu ku dhammaaday waji wanaagsan oo ‘saaxibtinimo’ , laakin natiijadu waa inaysan hadda ku filnayn Iran oo dagaalyahanno galinaysa Suuriya inay ku qanciyo Turkiga inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka.
Kulanka , wuxuu ku dhammaaday fallanqeynteeni hore iyo in duullaanka uu riixayo Turkiga in lagu dhammeyn karo wada-xaajood cusub oo door siinaya sunniyiinta Carabta ee u dagaallamaya inay dib u helaan dhulkooda horey looga barakiciyay —howlgalkooda lagu hakiyay Xamaa ayaa sidoo kale ka tilmaam kacaya Turkiga inuu gaaray ujeeddada laga lahaa duullaanka ee la xiriira in khatarta laga fogeeyo xadkiisa oo loo heli karo aag nabdoon qaxootiga Suuriya ee Turkiga uu doonayo in lagu celiyo dhulkooda.