Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Iran, Ali Bagheri ayaa maanta hadal uu ka jeediyay kulan ay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku yeesheen 57 dal ee xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka (OIC), wuxuu ka sheegay inaysan Iran heysan dookh kale oo aan ahayn inay ka jawaabto weerarkii lagu dilay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay Tehran.
Warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka Iskaashiga Islaamka OIC uu si dhammeystiran u sheegayo dilka Haniyeh inay mas’uul ka tahay Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa weerar xad-gudub ku ah madax bannaanida Iran.