Heemaal News Network

Iran oo shuruud ku xirtay sii socodka wadahadalka Mareykanka

Iran ayaa sheegtay inay doonayso dammaanad ah in cunaqabataynta lagu soo rogay laga qaado, iyadoo ay sii wadayaan wada-hadallada Maraykanka ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in uusan wali arag wax isbedel ah oo ku yimid mowqifka Washington ee cunaqabateynta.

Sabtidii, Maraykanku waxa uu sheegay in uu Tehraan u diray hindise ku saabsan heshiis nukliyeer ah (si wax loogu beddelo kii uu madaxweyne Trump ka tagay muddadii xileedkiisii ugu horraysay ee uu xafiiska joogay).

Isla maalintaas, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka ayaa daabacday warbixin ay ku sheegtay in Iran ay xoojisay wax soo saarka Yuraaniyaamka aadka loo tayeeyay. Tehran ayaa marar badan beenisay in ay samaynayso hub nukliyeer ah.