Heemaal News Network

Iran Oo Shuruudaha Wada-hadallada Mareykanka ku soo Dartay in la Burburiyo Nukliyeerka Israa’iil,

Iran , ayaa ku soo dartay shuruudaha wada-hadallada nukliyeerka ee ay kula jirto Mareykanka in la burburiyo nukliyeerka Israa’iil, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Mowqifkan waxay soo bandhigaysaa Iran, maalmo kaddib markii ay shaaca ka qaaday inay heshay xog dhammeystiran oo la xiriira hubka nukliyeerka ee ay heysato Israa’iil, taa oo la macno ah inay Iran , wada-xaajoodka ay Mareykanka kula jirto ku soo bandhigi karto dukumintiyo caddeynaya nukliyeerka Israa’iil.