Heemaal News Network

Israa’iil Oo Bilowday Dhismaha Isbahaysi Militari Oo Duullaanku ah Xuutiyiinta Yemen.

Israa’iil ayaa bilowday qorshe ay ku dhisayso isbahaysi militari oo duullaan wadajir ah ku qaadaya galbeedka Yemen , si loo burburiyo awoodda militari ee Xuutiyiinta, kaddib weerarkii maanta ee gantaallada Ballistic-ga oo Xuutiyiinta ay la beegsadeen Telaabiib, iyadoo weerarka uu dhaliyay dhaawaca 33 Israa’iiliyiin ah, sida ay ku warrantay shabakadda wararka Israa’iil ee Kann News.

Warbixintu waxay sheegtay in mar horaba ay Israa’iil la xiriirtay dalal uu ku jiro Mareykanka , si la isku dubarido isbahaysi caalami oo weerar ballaaran oo joogta ku qaadaya goobaha ay maamullan Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Markan waxay Israa’iil diiradda saaraysaa Xuutiyiinta, kaddib markii ay hoos u dhigtay awoodda kooxaha ay Iran taageerto ee bariga dhexe , iyadoo la tixraacayo in Xuutiga ay yihiin kooxda kaliya ee ku hartay garabka Qasa.