Heemaal News Network

Israa’iil Oo Duqayn ku Bur-burisay Garoonada Diyaaradihii Dagaalka Ee ka Haray Asad

Israa’iil ayaa illaa ay xaqiijiso inay wada burbureen diyaaradaha iyo saldhigyada hubka ee Suuriya, waxay ku wadaa duqeynteeda joogtada ah. Mar horaba duqeymahan ayaa lagu sheegay taariikhdii kuwii ugu sarreeyay ee ay Israa’iil fulinayso.

Dhab ahaantii waxaa ay wajahayaan nidaamka cusub ee Suuriya , xaalad hubaantii la’aan ah — balse sii socoshada weerarrada Israa’iil waxay dhalin karta carada dagaalyahannada xukunka la wareegay ee ku jira is xakameyn sarreysa oo ay uga fogaanayaan xaalad dagaal oo ay dhexda u galaan.

illaa hadda wax hadal ah ka soo saarin weerarrada aan xadka lahayn ee Israa’iil oo sidoo kale taangiyadeeda keentay meel bartamaha Dimishiq u jirta kaliya 30 km.