Diyaaradaha Israa’iil ayaa lagu warramaya inay duqeymo ka gaysteen bakhaaro lagu kaydiyay hubka kiimidaha ee Suuriya, sida uu telefishinka Al Jazeera ka soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.
Lama sheegin bartilmaameedyada la beegsaday halka ay ku yaallan, balse toddobaadkii hore waxaa la xaqiijiyay in magaalada Xalab ay ciidanka mucaaradka gacanta ku dhigeen bakhaaro lagu kaydiyay hubka kiimikada.
Waxyar ka hor sidoo kale warbaahinta Israa’iil ayaa laga soo xigtay inaysan Israa’iil u oggolaan doonin mucaaradka inay gacanta ku dhigaan hubka istiraatijiga ah oo ay ku jiraan hubka kimikada. Natiijada waxaa ay noqon kartaa inay hadda Israa’iil aragto in Bashaar Al-assad ay wax walba gacantiisa ka baxeen oo ay sameynayso ka hortag wax ay u aragto khatar.
Sidoo kale Mareykanka ayaa soo bandhigaya wax u eg in la joogo xilligii uu Bashaar Al-assad ka fakari lahaa inuu nolashiisa badbaadiyo, kaddib markii sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in wax walba ay ku sii xumaan karaan Assad haddii uu iskudayo inuu dagaallamo — Iran iyo Xisbullah oo horey xukunka ugu ilaaliyayna ay waqtigan ku jiraan xaalad aysan usoo gurman karin.