Heemaal News Network

Israa’iil Oo Gebi ahaanba Xirtay Warbaahinta Al-jazeera

Dawladda Israa’iil ayaa abi ahaan-ba mamnuucday Telefishinka Al-Jazeera, iyada oo la xidhayo dhammaan xafiisyadisa halkaasi; waxa loo xannibay in ay tahay codka ugu weyn ee Falastiin.

Golaha Wasiirada Israa’iil ayaa go’aan ku gaaray in ay xiraan shaqada warbaahineed ee shabakadda Aljazeera ee dalkaasi.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku eedeyneysay Al Jazeera oo qayb ahaan ay maalgeliso dawladda Qatar in aanay dhexdhexaad ahayn iyo in ay ula dhaqanto Israa’iil si eex ah.

Mar sii horreysay, Knesset , baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyay sharci oggolaanaya in si kumeelgaar ah loo xiro warbaahinta shisheeye ee loo arko in ay halis ku tahay ammaanka qaranka.