Heemaal News Network

Israa’iil Oo Hawlgalo ay ka Fuliyeen Xadka Suuriya kusoo Afduubtay Rag ay ku Eedeyeen.

Ciidanka Israa’iil ayaa howlgal dhulka ah ka fuliyay koonfurta dalka Suuriya , halkaa oo la sheegay inay ka soo afduubeen muwaadin Suuriyaan ah oo ay ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay Iran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Idaacadda taageerta xukuumadda Suuriya ee Sham FM ayaa dhankeeda xaqiijisay howlgalkan dhulka iyo afduubka ay ka fuliyeen ciidanka Israa’iil gudaha dhulka Suuriya, iyadoo ay noqonqayso howlgalkii u horreeyay ee noociisa ah oo ay Israa’iil ka fulinayso gudaha Suuriya. Ma jirto hadal la xiriira howlgalkan oo ka soo baxay maamulka Bashar al-Assad.

Maalin ka hor Israa’iil ayaa sidan oo kale ka soo afduubatay waqooyiga Lubnaan, sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka badda Lubnaan, oo warbaahinta Israa’iil ay ku sheegtay inuu yahay tababare ciidanka badda ururka Xisbullah.