Wasiirka maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich oo ka mid ahaa xubnaha wasiirrada midigta fog ee xagjirka ah oo ku qasbay inuu Netanyahu dagaal dhulka ah ku qaado koonfurta Lubnaan , ayaa maanta sheegay in dagaalka ay soo gabagabeyn doonaan dhammaanka sannadkan, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay wargeyska Israa’iil ee Israel Hayom.
Israa’iil ayaa dhimasho aysan horey u arag kala kulantay xadka Lubnaan, halkaa oo maalintii ugu yaraan saddex sarkaal iyo askar looga dilo Israa’iil , iyadoo sidoo kale dagaalka ay Israa’iil ku wayday saraakiishii iyo guutooyinkii khibrada lahaa ee kumandooska , intaa oo jirta ayaa ciidanka Israa’iil ee ku sugan xadka Lubnaan waxay ku hanjabayaan inay dagaalka ka baxayaan haddii aan dhaqso loo soo afjarin, sida ay baahisay shabakadda CNN ee Mareykanka.
Dhanka kale Israa’iil ayaa sheegtay in gaari laga xaday oo ay ku xirnaayeen nidaamka laga rido gantaallada oo ay ka soo qaadeen deegaannada xadduudka Lubnaan, waqti dheer oo ay baadi goobayeen waxay sheegeen inay hadda gacanta ku dhigeen labo nin oo gaariga la baxsatay.