Heemaal News Network

Israa’iil Oo ka Walaacsan Diyaradaha Xisbullah Oo Sawirro ka Qaday Guriga Netanyahu

Wargeyska Israa’iil ee Jerusalem Post, ayaa sheegay in nidaamka raadarka inuu soo qabtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo looga shakisan yahay inay leeyihiin Xisbullah, taaso sawirro iyo muuqaallo ka duubtay guriga Netanyahu ee ku yaalla xeebta Mediterranean-ka ee magaalada Haifa.

Nidaamka difaaca ayaa la sheegay inuu ku guul darraystay inuu wax digniin ah ka bixiyo diyaaradan, markaa oo si deg deg diyaaraddo kale loo kiciyay lamana helin wax dhaqdhaqaaq drone ah.

Xisbullah ayaa horey ugu guuleysatay inay xog ka aruuriso saldhigyada militariga Israa’iil iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee gudaha Israa’iil, xilligaa oo nidaamyada difaaca Israa’iil aysan wax ka hortag sameyn.