Telefishinka Israa’iil ee Channel 12, ayaa ku warramay isagoo xiganaya saraakiisha militariga Israa’iil; “ Israa’iil waxay dib u billaabi doontaa dagaalka Qasa 10 maalmood gudahood haddii ismari waaga heshiiska uu sii jiro.”
Israa’iil waxay doonaysa in la ballaariyo wajiga koowaad ee heshiiska si Xamaas ay u sii deyso maxaabiis badan , iyadoo ka fogaanaysa in loo gudbo wajiga labaad ee heshiiska oo dhigaya soo afjarida dagaalka, sida markii hore lagu heshiiyay, halka Xamaas ay si cad u diidday ballaarinta wajiga koowaad oo ay dalbatay sidii lagu ballamay in wajiga labaad loo gudbo!