Heemaal News Network

Israa’iil Oo Laga joojiyay Bambaanooyin Xilli ay Weerrar ay ku Qaadday Rafax

Mareykanka ayaa todobaadkii hore hakiyay shixnad bambaanooyin ah oo uu u diri lahaa Israa’iil sababo la xiriira walaaca laga qabo sii socoshada qorshaha Israa’iil ee ku aaddan duullaan dhulka ah oo ay ku qaaddo Marinka Rafax ee koonfurta Qasa.

Shixnaddan ayaa la sheegayaa in ay tahay tiro badan oo bambaanooyin ah oo aanu ku jirin hub kale.Israa’iil kama falcelin welwelka Mareykanka ee ku aaddan baahiyaha bani’aadamnimo ee dadka rayidka ah ee Marinka Rafax.

Balse tillaabadaan ayaa imaaneysa iyadoo Israa’iil ku adkeysaneyso in ay ka go’antahay qaadista weerrar dhulka ah oo ay ka fuliso Rafax, oo ay ku suganyihiin dad ka badan hal malyan oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo markii horaba wajahayay xaalad adag oo nololeed.