Israa’iil ayaa hakisay inay sii deyso 110 maxbuus oo Falastiiniyiin lagu beddelanayo labo maxbuus oo ay maanta sii deysay Xamaas, iyadoo Israa’iil ay ku andacoonayso inay u baahantahay ka hor inta aysan sii deyn maxaabiista Falastiiniyiinta, dammaanad qaad caalami ah oo la xiriira in si badqab leh loo sii deynayo maxaabiista ay gacanta ku heyso Xamaas.
Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay inay labada maxbuus ee maanta la sii daayay ay khatar kala kulmeen goobtii lagu wareejinayay oo ay dad badan hareereeyeen labada maxbuus intii la saarayay gaadiidka hay’adda laanqayrta cas.
Dhinaca kale, telefishinka Al Jazeera ayaa ku warramay in shanta galabnimo waqtiga Falastiin la sii deyn doono maxaabiista Falastiiniyiinta ee la hakiyay sii deyntooda, kaddib dadaal ay sameeyeen dhex dhexaadiyayaasha.
Israa’iil, waxay ku dhibtoonaysa habka ay Xamaas dunidda horteeda ugu ceebaynayso, kaddib markii saacadaha sii deynta maxaabiista Israa’iil ay socoto ay noqdeen kuwa argagax ku riday Israa’iil, sabab la xiriirta inay Xamaas waqtigaa u rogtay xilli ay soo bandhigto cududeeda iyo farriimo dunidda lagu soo bandhigo guul-darrada iyo fashilka dagaal ee Israa’iil iyo xulafadeeda ay ka qaateen Qasa. Waxaa u dambeysay maanta oo la soo bandhigay sawirrada guutooyinka Israa’iil ee laga saaray dagaalka markii khasaare badan lagu gaarsiiyay gudaha Qasa iyo hub laga furtay ciidanka Israa’iil.