Heemaal News Network

Israa’iil Oo Xabsiga kasii Deysay Maamulihii Isbitaalka Al-shifa Iyo Dhaqaariir kale

Israa’iil ayaa muddo 7 bilood oo xabsiga ay ku haysay madaxa isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, Dr Mohammed Abu Salmiya waxay dib maanta u siisay xorriyadiisa.

Dr Mohammed ayaa soo bandhigay tacadi badan oo xabsiyada Israa’iil loogu geysto Falastiiniyiinta, wuxuu xaqiijiyay daryeel xumo inay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee la xiray ugu dhinteen xabsiyada Israa’iil, halka maxaabiista nool ay aflagaado, jirdil iyo biyo la’aan kala kulmaan xabsiyada.

Israa’iil ayaa markii ay xiraysay Dr Maxamed , waxay ku eedeysay inuu maamullo isbitaal ay u adeegsadaan Xamaas saldhig iyo xafiisyada hoggaanka, balse bilooyin ay burburin iyo baaritaan ka wadeen ma jirin wax caddeynaya inay isbitaalka adeegsadaan Xamaas oo ay soo bandhigeen.