Heemaal News Network

Israa’iil Oo Xiriirka U Jartay Dawlada Norwey, Iyo Jawaabta Norwey

Israa’iil ayaa maanta maqaamkii diblomaasiyadeed kala noqotay 8 diblomaasi oo Norway u dhashay, kuwaaso ka shaqeynayay dhulka Falastiiniyiinta ee la heysto ee Qudus, waxaana loo qabtay toddobaad maalin inay uga baxaan Qudus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway oo tallaabadan ka jawaabaysa, ayaa u yeertay Safiirka Israa’iil u fadhiya Oslo, si ay wax uga waydiiso kala noqoshada maqaamka diblomaasiyiinteeda.

Israa’iil ayaa tallaabadan u qaaday , sababtoo ah waxaa ay ka caroodeen ololihii Norway ay horkacaysay ee dalal Yurub ah ay ku aqoonsadeen dawladda Falastiin.