Heemaal News Network

Israel Oo Daanta Galbeed ka Fulisay Duqeyn Lagu Dilay..(Sawirro)

Laba weerar oo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay daanta galbeed ayaa lagu dilay sagaal dagaalyahan oo falastiiniyiin ah sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil ayaa sheegay, xili rabshaduhu ay mar kale ka soo cusboonaadeen dhulka ay Israa’iil haysato iyadoo xiisadda dagaalka ay ka taagan tahay Qaza.

Wadahadallada xabbad joojinta ee Gaza ayaa sii socday, iyadoo wafdi Israa’iil ah oo uu hoggaaminayo madaxa Mossad ay booqasho kooban ku tageen Qaahira, sida uu sheegay sarkaal Masar ah. Mareykanka ayaa ku booriyay Israa’iil in ay ka faa’ideysato fursadda xabbad joojinta ka dib dilkii naxdinta lahaa ee hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas ee Iran, kaas oo Tehran ay ku eedeysay Israa’iil.

Dilkaas iyo dilka Israa’iil ee taliyihii Hezbollah ee Lubnaan ayaa xaalada gobolka uga sii daray ka dib markii Iran iyo xulafadeeda ay wacad ku mareen inay tallaabo qaadi doonaan. Xamaas ayaa sheegtay in taliskooda uu bilaabay wadahadalo ku saabsan doorashada hogaamiyaha cusub.

Waqooyiga Daanta Galbeed, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu markii ugu horreysay ay weerareen meel miyi ah oo ka baxsan magaalada Tulkarem subaxnimadii Sabtida, halkaas oo ay ku dileen shan qof oo gaari saarnaa. Ciidanka ayaa sheegay in ay u socdeen weerar. Xamaas ayaa shantaasi qofba ku sheegtay inay yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo uu ku jiro taliye deegaanka ah.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AP iyo goob joogayaal, qaraxa ayaa ka dhacay wadada isku xirta tuulooyinka Zeita iyo Qaffin ee Falastiin.

“Waxaan nimid goobta, waxaana ka helnay nin dhalinyaro ah oo ku shahiiday wadada, kala bar wajigiisana waa la la’yahay,” ayuu yiri Taiser Abdullah, oo degan Zeita. Wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay in afar mayd ay ay gubteen si aan la aqoonsan karin.”

Gelinkii dambe ee Sabtidii, militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen afar kale oo Falastiiniyiin ah deegaanka Tulkarem wax yar ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada Israa’iil.

In ka badan 590 falastiiniyiin ah ayaa Israa’iil ku dishay kacdoon ka kacay Daanta Galbeed tan iyo markii uu dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ka billowday Qaza bishii Oktoobar, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.