Heemaal News Network

Israel Oo Duqeyn ku dishay Wael Masha & Tarek Daou (Sawirro)

Israa’iil ayaa saacadihii u dambeeyay labo weerar oo diyaaradaha aan duuliyahan lahayn ay fuliyeen ka geysatay Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta la heysto.

Waxay hallaas ku dileen dhowr qof oo ay ku jiraan Wael Masha iyo Tarek Daou oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiyada Israa’iil laga soo daayay inta uu socday heshiiskii is dhaafsiga maxaabiista ee November

Labadan nin ee dhallinyara ah ayey Israa’iil ku eedeysay inay ku tirsan yihiin Xamaas, sida ay warisay Al Jazeera.

Warbixinnada ka soo baxay weerarkan waxaa ku jirta warbixin ay sii daayeen dallada difaaca carruurta Falastiiniyiinta oo sheegay in ciidanka Israa’iil ay si xun u dileen saddex dhallinyaro ah oo aan qaangaarin, kuwaaso ku dhaawacmay weerarkan.

Markii ay oggaadeen ciidanka Israa’iil dhaawaca carruurtan waxay u diiddeen gaadiidka gurmadka deg deg ah inay qaadaan, iyagoo kaddibna toogasho ku dilay.