Heemaal News Network

Israel Oo si Rasmi ah Ugu Dhawaaqday in la Dilay Yahya Sinwar

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar

Hadal uu soo saaray ayuu Wasiirku ku sheegay in ciidamada Israa’iil ay Qaza ku dileen hoggaamiyihii Xamaas ka dib iska horimaad ay la galeen isaga iyo dagaalyahano la socday.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afhayeenka ciidamada Israel iyo hay’adda amniga gudaha ee ShinBet ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar la dilay intii uu socday howlgal ka dhacay koonfurta marinka Gaza.

“Ciidan ka tirsan guutada 828-aad, oo ka hawlgalay deegaanka Gaza, waxay ogaadeen oo meesha ka saareen saddex argagixiso oo ku jiray Sinwar” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ay Al Jazeera ka soo xigatay raadiyaha ciidanka Israa’iil hoggaamiyaha Xamaas, Yaxye Sinwar ayaa iska horimaad la galay oo la-dagaallamay ciidanka Israa’iil isagoo uu weheliyay sarkaal kale , iyadoo iska horimaadka uu ka dhacay aagga Tal Al-Sultan oo ka tirsan Rafah.

Ma jirto hadal ka soo baxay dhinaca Xamaas oo geerida iyo nolasha Yaxye Sinwar.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Israa’iil ay si kadis ah ula kulmeen sadex dagaalyahan oo dhaqdhaqaaq ka waday dhisme ku dhow goob ay joogeen kuwaasoo uu ku jiray Yahya Sinwar, taangiyada Israel ayaana duqeeyey dhismaha markii ay rasaas ka soo dhacday

Ciidamada Israel ayaana dayuuradaha wax basaasa u diray dhismaha la duqeeyey halkaasoo ay ku arkeen meydka Sinwar iyo ragii la socday oo ku dhex jira Burburka

Sirdoonka Israa’iil ayaa qirtay inaysan waxba ka ogeyn goobta inuu joogay Yaxye Sinwar ayna lama filaan ku noqotay in si sahal ah goobtaas loogu dilay

Baaritaan DNA ah oo lagu sameeyey meydkiisa ayey Israel ku xaqiijisay in Sinwar la dilay.

Yahya Sinwar waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Younis ee koonfurta Gaza sanadkii 1962-kii.

Qoyskiisu waxay ahaayeen qaxooti ka yimid Majdal Askalan, ka dib abuuritaankii Israa’iil 1948-kii.

Sinwar ayaa 22 sano oo noloshiisa ka mid ah ku qaatay xabsiyada Israa’iil, isaga oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay afduubka iyo dilka laba askari oo Israa’iili ah 1988-kii. Waxa la sii daayay 2011-kii iyada oo qayb ka ahayd heshiis maxaabiis isdhaafsi ah.

Qiimayn ay samaysay dawladda Israa’iil oo ay ku samaysay sannadihii uu xidhnaa waxa ay ku tilmaantay nin aan naxariis lahayn oo mayal adag.

Wakhtigii uu xabsiga ku jiray ayuu u isticmaalay si uu luqadda Cibraaniga si fiican ugu hadlo.

Sinwar waxa uu Ismail Haniyeh ku badalay hogaamiyihii Xamaas ee Gaza 2017. Waxa uu noqday hogaamiyaha kooxda kadib markii Israel ay dishay Haniyeh bishii July.

Kadib weerarkii 7-dii October ka dhacay koonfurta Israa’iil, kaasoo ay eedeeysay inuu ka dambeeyay, millatariga Israa’iil waxay ku tilmaameen “Meyd socda”.

Yahya Sinwar waa Mid ka mid ahaa ragga sida weyn ay Israa’iil u raadineysay lama arag tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas 7-dii Oktoobar, 2023-kii.

Israel ayaa aaminsan in Yahya Sinwar uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii xoogaga Xamaas ku galeen dhulalka la heysto ee Israel 7dii Oktoobar 2023 kaasoo lagu dilay dad israailiyiin ah oo ka badan 1200 lagu qafaashay boqolaal kale.

Waxaa loo arkayey in uu ka mayal adag yahay hogaamiyihii ka horeeyay la macaamilka Israa’iil, wuxuuna jeclaa iskaashiga iyo xiriir dhow oo uu la yeesho Iran iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee xulafada la ah sida Xisbullah.