31
Israel ayaa u yeeratay safiirka ka joogay Talyaaniga kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani, uu si adag u cambaareeyay weerarrada ay Israa’iil ka geysatay magaalada Beirut.
Wasiir Tajani ayaa ku tilmaamay weerarradaasi wax aan la aqbali karin” intii uu booqasho ku joogay Beirut, isagoo xusay in ay ku dhinteen in ka badan 300 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lebanon.

