Millatariga Israa’iil ayaa Arbacadi ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan, isla markaana u barakacaan dhinaca waqooyi, xilli ay guluf xoog leh ka wadaan guud ahaan waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Isra’il ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza, in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin, kuwaas oo aadaya dhanka koofurta, gaar ahaan degmada Deyr Al-balax.
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa amarka daad-gureynta Israa’iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya “dhibaato ballaaran”.
Duqeymo aanan kala go laheyn oo ay ciidamada Isra’il saddexdi maalin ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga, iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay.
Xoojinta dagaalka iyo duqeymaha ay ciidamada Isra’il ka wadaan Marinka Gaza ayaa imaanaya, xilli dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ay ay magaalada Doxa kula kulmeen saraakiil ka tirsan Isra’il, oo ay kala hadleen suuragelinta heshiis xabbad-joojin oo ka dhaqan gala Gaza.
Tan iyo bishi October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Isra’il ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur.