Telefishin kanaal 13 ee Israel ayaa ka hadlay dhacdo dhexmartay Israel iyo ciidamada Masar ee jooga xadka Rafax, kadib markii ciidamada Masar ay rasaas ku fureen ciidamada Isreal ee jooga Rafax balse ma jirto cid wax ku noqotay.
Xiisadan ayaa ka dhalatay markii ciidamada Israel ay qabsadeen xadka Rafax, taasoo maalmihii u denbeeyay ka taagneyd xadaka taasoo manta sababtay israsaaseyn ooban oo dhexmartay ciidamada Masaarida o kuwa Israel, waxaana la digay in xiisadani isku badasho dagaal ka dhex-qarxo dalalkaasi.
Dhinaca kale dowladda Sucuudiga ayaa dhaleeceysay xiisadan Iyo wax ay ugu yeertay xasuuqa sii socda ay ciidamda xoogga dhulka ku haysta u geysanayaan shacabka aan isdifaaci karin ee marinka Gaza.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ah in bartilmaameed laga dhigtay barakacayaal degan meel u dhow baqaarka hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA ee waqooyiga Rafax.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in boqortooyada ay ka horjeedo sii socoshada wax ay ugu yeertay xadgudub cad oo ay ciidamada Israel ku sameynayaan dhammaan qeynuunada caalamiga ee bani’aadannimo.
Tirada dhimashada duqeynta shalay ee Rafax ayaa gaareysa 45 qof oo ay ku jiraan 23 haween ah, carruur iyo waayeel. Dhaawac ayaa gaaraya 249 qof