Heemaal News Network

ITOOBIYA: Dagaallo Culus Oo ka Socda Gobollada Tigray-ga iyo Amxaarada

ITOOBIYA: Dagaallo culus ayaa ka socda gobollada Tigray-ga iyo Amxaarada, iyada oo warbaahinta dalkaasi ku warramayo in jabhadda TPLF ay gashay caasimadda Tigray ee Maqalle oo ay ku dirirayaan Ismaamulka KGM ee Tigray; halka Jabhadda Amxaarada ee Faano iyo xukuumadda Abiy ay ku dirirayaan gobolka Amxaarada.

Dhinaca kale Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah, Tsadkan Gebretensae ayaa sheegey in xilli kasta dagaal ka dhex qarxi karo Itoobiya iyo Eriteriya, ka dib hadal-haynta Badda-cas ee Addis Ababa.