Heemaal News Network

Itoobiya: In ka badan 100 Qof Oo lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Gobolka Amxaarada

In ka badan 100 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerar diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Gedeb, oo ku taalla degmada Enarj Enawga ee gobolka Gojjam Bari, gudaha deegaanka Amxaaraha, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka iyo markhaatiyaal.

Duqeyntan oo dhacday maanta 17 April, ayaa lagu beegsaday meel u dhow Dugsi Hoose Dhexe oo la yidhaahdo Gedeb, halkaas oo dadku ay isugu yimaadeen si ay uga shaqeeyaan howlaha horumarinta deegaanka, sida dhismaha gidaar dugsiyeed.

Qof goob joog ahaa ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay qaylo, jahwareer iyo argagax, isagoo intaas ku daray oo yodhi “Wax kastaa madoobaaday, ma jirin qof si fudud loo aqoonsan karo.” halka Qof kale oo dhaawacmay uu sheegay in ay maqleen qarax aad u culus isagoo intaas ku daray dad badan ayaa ku dhaawacmay.

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 115 ilaa 120 meyd ah la aasay, iyada oo mid ka mid ah dadka deegaanka uu yiri, “Waxaan u maleynayaa in ay jiraan dad aan weli la xisaabin sababtoo ah dadku argagax ayay ku jireen.” Waxaa sidoo kale la sheegay in meydadka loo aasay si wadareed ah oo la sameeyay ilaa shan xabaalood.