Wasiir Gedion ayaa sheegay in xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah uu tusaale u yahay kobcinta iskaashiga gobolka.
Wuxuu uu shirka kusoo hadal qaaday in Itoobiya ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo la dagaalanka kooxda (AS) ee ka jirta Soomaaliya.
Weftiga Itoobiya ayaa dawladda Djibouti kala hadlay tayeynta adeegyada dekedaha Djibouti, balaadhinta awoodda goobaha shidaalka, dhamaystirka dhismaha jidka isku xidha Dikhil-Galafi, horumarinta guud ahaan habsami u socodka gaadiidka xamuulka iyo dhoofinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti H.E. Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hoosta ka xariiqay in saaxiibtinimada labada dal ay tahay mid ku qotonta xidhiidh umadeed oo ay wadaagaan dadkooda, wuxuuna xusay inuu sii socon doono.
Dawladda Ethiopia ayaa u muuqata in ay dedaal ugu jirto in aan laga saarin Hawlgalka Nabad ilaalinta ee Soomaaliya oo hadda wax laga badalayo dalalka ciidanku ka joogaan.