Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakaan Fiidaan ayaa sheegay in horumar wacan laga sameeyey wada hadalladii dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaas oo Ankara lagu dhex dhexaadiyey.
Wareegga labaad ee wada hadallada ayuu wasiirku sheegay in ay dhici doonaan bisha September ee sannadkan kuwaas oo diirrada lagu saarayo dhammaynta khilaafkii ka dhashay heshiiskii is fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.