Heemaal News Network

Itoobiya oo bilowday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Somalia

Taliyaha ciidanka militariga Itoobiya, Marshel Burhanu Julla oo ay weheliyeen madaxa sirdoonka militariga, madaxa howl-gelinta, madaxa saadka iyo saraakiil kale ayaa gaaray magaalada Godey ee dowlad degaanka Soomaalida

Waxaa loo diiwaangelinayaa markii u horreysay oo wafdi militari oo heerkan ah oo ka socda militariga Federaalka Itoobiya uu tagayo Godey, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977 iyo xilligii maxkamadaha.

Sidoo kale xubnahan ayaa tagi doonaa magaalada Feer-Feer oo ay Itoobiya ka hirgalinayso saldhig milateri, waxaana masuuliyiintan ay la hadli doonaan ciidan Itoobiyaan ah oo dhawaan laga soo saaray gobalka Hiiraan.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Milateriga Itoobiya, ayaa la qorsheynayaa in laga soo raro saldhigyada Bahar Dar iyo Debre Zeit ee Waqooyiga dalkaas, iyagoo la dhigayo garoonka Goday oo ay ka duuli doonaan, taas oo ka dhigan in dhinaca Soomaaliya loo jiheynayo, iyadoo aysan jirin faahfaahin dheeraad ah oo la bixiyey.

Marka laga soo tago socdaalkan; Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa afhayeenkeedu qabtay shir jaraa’id oo uu ku xoojinayay doonistooda badda illaa uu sheegay inan marna laga talaabi karin Itoobiya haddii Midowg Afrika uu cusboonaysiinayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, taasoo uu ula jeedo inay Itoobiya qeyb ka noqonayso.

Tallaabooyinkan waxay u muuqdaan inay Itoobiya uga jawaabayso dhaqdhaqaaqyada diblomaasi iyo iskaashiga militari ee Soomaaliya, xilli markii u horreysay Dawladda Soomaaliya ay suuragal ka dhigayso inay ciidan Masaari ah saldhigyo ka sameystaan aag ku dhow saldhigyada militari ee Itoobiya. Waxaa intaa dheer oo socdaalkan loo qaadan karaa inay baaran deg dagaal ku jirto Itoobiya