Heemaal News Network

Itoobiya Oo Go’aan kasoo Saartay Sarifka Doolarka Oo Mudo la Daala-dhacaysay.

Itoobiya oo muddo la daalaa dhacaysay khalkhal dhinaca isku-beddelka lacagteeda Birta iyo doollarka ah ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqday in sarrifka uu jaangooyo suuqa xorta ah.

Hey’adda Lacagta ee IMF oo deyn ku leh Itoobiya ayaa ku qasabtay in ay wax ka qabato khalkhalka sarrifka.

Sarrifka suuqa madow oo kalabadh ka badnaa kan rasmiga ah ee dowladda ayey si weyn uga macaashi jirtay Soomaalida, kaasoo hadda saameyn balaadhan ku yeelan karo isbeddel kani Somalida.