Heemaal News Network

Itoobiya oo ku dhow Dhameystirka Saldhig cusub oo ciidan Badeed ah oo laga dhisayo Addis Ababa

Itoobiya ayaa dhameystir ku dhow saldhig cusub oo ciidankeeda badda ah oo laga dhisayo xaafadda Janmeda ee magaalada Addis Ababa.

Inkastoo Ethiopia aysan lahayn marin badeed, haddana dhismaha saldhiggan, oo haatan maraya 95%, ayaa ka tarjumaya hiigsiga dheer ee dowladda Itoobiya ee ku aaddan dhisidda awood ciidan badeed iyo marin-u-helidda badaha mustaqbalka.

Saldhiggan cusub, oo ku fadhiyo dhul cabbirkiisu yahay saddex hektar, waxa uu ka kooban yahay dhismayaal dhowr dabaq ah, xarun caafimaad, hoolal shirar, iyo goob ciyaareed.

Mas’uuliyiinta difaaca Itoobiya ayaa ku tilmaamay saldhiggan inuu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu aasaasayo ciidan badeed oo ka howl gala dekedaha dalalka ay Itoobiya heshiisyo laba geesood ah la leedahay.

Bishii Maarso ee 2025, Itoobiya waxay heshiis iskaashi ciidan badeed ah la saxiixatay dowladda Ruushka, kaasoo ay ku jiraan tababaro iyo taageero farsamo. Wafdi sare oo ka socda ciidamada Itoobiya ayaa booqday magaalada Moscow si loo dhameystiro qodobada heshiiskaas.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisu ay sii xoojinayso dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo marin badeed si sharci ah iyo wada-hadal ku saleysan.

Wareysi uu siiyay telefishinka EBC, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku muujiyay sida ay Itoobiya uga murugooto luminta dekeddeedii. Wuxuu sheegay in Itoobiya aysan lahayn deked muddo ku dhow 30 sano, taas oo keentay caqabado badan oo dhanka horumarka iyo isku xirnaanta ganacsiga ah.

“Itoobiya muddo soddon sano ah deked ma lahayn, mana aha baahida aan u qabno marin badeed arrin cusub,” ayuu yiri Abiy Axmed, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Itoobiya hesho marin badeed si ay u xaqiijiso masiirka dhaqaale iyo difaac ee mustaqbalka dalkiisa.