Heemaal News Network

Itoobiya Oo Shaaciyay Inay Noqon doonaan Dalka Ugu Horeyay Ee Aqoonsada Somaliland

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Wershadaha dawladda Federaalka Itoobiya, Tarekegn Bululta, ayaa sheegay in Itoobiya noqon doonto dalka u horreeya ee Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsada dal madaxbannaan.

Wasiir Tarekegn Bululta wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku daabacay barta X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxaanu xusay inuu ku kalsoon yahay in dalkiisu aqoonsan doono qarannimada madaxbannaanida Somaliland.

Waxa kaloo Wasiirul-dawlaha wershadaha Itoobiya uu intaas ku daray in xulafada dalkiisa ee dhinacyada dhaqaalaha iyo millatariguna ay go’aankaas ku raaci doonaan.