Heemaal News Network

Itoobiya Oo Sheegtay inay ka Niyad-jabtay Hadal Uu Ergeyga Somaliya ka Jeediyay kulanka Q/Midoobay.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal ay uu ergeyga dawladda Soomaaliya ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay, aas oo uu ku sheeay in heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu la mid yahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Beeno fara badan”.

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomalaidu.

Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay mar walba ku adkaysanayso in ay dooneyso in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Wasiirka difaaca ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay doonayo in kor loo qaado iskaashiga labada dal, si looga faa’iido danaha ka dhaxeeya ee isaga xiran.

Laakiin safiirka Itoobiya ee hayadda Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland oo aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.

Balse wuxuu sheegay in uu la mid yahay heshiisyada dhexmara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha, ee kirada ah.

“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu yiri safiirka Itoobiya, isaga sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.

Laakiin booska Soomaaliya ee arrintaan ayaa mar walba cadaa, sida ay horay uga dhawaajiyeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kalaba.

Safiir Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al Shabaab, sidoo kalana dhiirigalineysa kala qaybsanaanta qabiil ee ka jirta geeska Afrika.

Ciidamada Itoobiya ayaa muddo ku sugnaa Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2007 dii, xilligaas oo ay caawinayeen dawladdii kumeel-gaarka ahayd ee waqtigaas jirtay.

Sidoo kale haatan ayaa wali ciidamada Itoobiya ku usgan yihiin gudaha Soomalaiya.

Itoobiya ayaa ku doodeysa “in ay nafhurnimo u sameysay nabadda iyo amniga Soomaaliya,” sida uu sheegay safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Hadalkan lamid ayaa sidoo kale waxaa dhawaan jeediyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Itoobiya ayaa dhankeeda soo jeedisay in heshiiska aan lala aadin Golaha Amaanka, balse looga hadlo kulanka Midowga Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xil. Guruuje “Turkigu Awood Umalaha inuu Badda Somaliland ku Maamulaha Heshiiska Somaliya“

Heemaaln

Itoobiya: Golaha Amaanka Oo Dib Ugu Soo Ceshay IGAD Iyo AU Xadgudubka Heshiiska Badda

Heemaal

Qoomiyada Amxaarada Oo ka Horyimid Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya

Heemaal