Heemaal News Network

Itoobiya Oo Shirkii ugu Horreeyay u Qabatay Wasiirada Difaaca Afrika

Shirkii u horeeyay ee Wasiirada Difaaca Afrika oo ay Itoobiya si iskeed ah u soo qaban qaabisay ayaa ka furmay magaaalda Addis Ababa, isagoo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Wasiirka Difaaca Injineer Caasha Maxamed ayaa sheegtay in shirka halku dhigiisu yahay “Afrika, si midnimo xooggan loo helo, si loo helo amni iyo nabad caalami ah”

Wasiirku waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in wada tashi iyo xal loo helo caqabadaha ka jira Qaaradda, Itoobiyana ay shirkan u qabatay si ay u fududayso doodahaas.

Caa’isha waxa ay sheegtay in shirkan lagu gorfayn doono mowduucyo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amniga qaaradda iyo sare u qaadista iskaashiga milatari ee ka dhexeeya dalalka Afrika.

Waxay kaloo muujisay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga hadda jira ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo wax ka qabashada khataraha amniga caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Waxa ay sidoo kale xustay in la tashi laga yeelan doono sidii dadka Afrikaanka ah oo ay Itoobiya ku jirto ay u sii xoojin lahaayeen doorkooda ku aaddan howlgalka nabad ilaalinta adduunka.