Heemaal News Network

Itoobiya Oo War cusub kasoo Saartay Damaceeda Badda Somalia

Musa Shehu oo ah Sarkaal sare oo katirsan Xaafiiska RW Itoobiya, gaar ahaana qeybta xariirka warbaahinta ayaa u sheegay warbaahinta AWP (Arab World Press), in safarka Abiy ee Port Sudan uu ku tagay dhawaan uu ahaa mid ay kaga shaqeynayaan sidii ay Sudan u wada sugi lahaayeen amniga xadka ay la wadaagaan, si ay ugu dhabeeyaan damacooda Badda ee kuwajahan Soomaaliya.

Shehu ayaa sheegay inay u deg degayaan sidii ay u dhameyn lahaayeen xurgufaha xaduudaha ay la wadaagaan Sudan, inta aysan ku dhawaaqin heshiis rasmi ah oo loo bedelayo Is afgaradkii ay lagaleen Somaliland.

Heshiiskaas ayuu yoolkiisu ahaa in badda Soomaaliya ay ka helaan 20km oo ay saldhig ciidan ka dhigtaan iyo Albaab badeed.

Dhinaca kale, saacadihii la soo dhaafay waxaa jiray in xubno sare oo ka tirsan dhinacyada Hargeysa & Addis Ababa oo yeeshay labo is arag, oo ay uga wada hadlayaan arrinta Is afgaradka, waxaana jira xubno sare oo Itoobiya kasocda oo Hargeysa tagaya todobaadkan.