Heemaal News Network

“Itoobiya Way ka Go’an-tahay Helista Marin Baddeed.” Taliyaha Ciidamada Milatariga Itoobiya

Taliyaha guud ee Ciidamada milatariga Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay in mustaqbalka Itoobiya ay muhiim u tahay iney hesho marin baddeed.

Taliye Jula wuxuu xusey in Itoobiya ay dadaalo xoogan ku bixineyso arintaasi iyadoo la shaqaynaysa dalalka deriska ah.

Taliyaha guud ee Ciidamada milatariga Itoobiya wuxuu intaasi raaciyay in Ciidanka Itoobiya ay awood buuxda u leeyihin iney si adag u difaacaan madax banaanida Itoobiya kana hortagaan weeraro dalka looga soo qaado dhinacyada badda iyo dhulka, walow dalku uu badd lahayn hadana wuxuu Birhanu Jula sheegay iney weerar badda lagaga soo qaado ay ka hortagi karaan.