Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawla Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) & Wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban agaasimayaal & La taliyaha sharciyada ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Algeria.
Shirka Wasiiradda Hawla Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ahaa meertadii 8-aad kalfadhigii 41-aad iyadoo sanadkana ay marti gelisay Dowladda Algeria waxaana diirrada lagu saaray dib u dhiska wadamada soo kabanaya ee ay Soomaaliya ku jirto, Wasiirada ayaa isla qaatay in Dowladda Somaliya laga caawiyo dib u dhiska xarumaha Dowladda.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Howla Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Mudane Xayd oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirada dhigiisa ah ee Jaamacadda Carabta uga mahadcelinayay sida ay Dowladda Soomaaliya u garab taaganyihiin, Isaga oo hoosta kaxariiqay in Dowladda Somaliyeed ay hayso wadadii dib u dhiska iyo horumarka ayna ka soo kabatay inta badan mar xaladihii ay soo martay.
Intii uu shirku socday waxaa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Hawla Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ee Dalka Shiinaha waxana la isku af gartay in heshiis iskaashi ay wada galaan Wasiirada Hawlaha Guud ee Waddamada Jaamacadda Carabta iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Shiinaha, Waxaana uu dhici doona heshiiskaasi sanadka soo socdo oo si rasmi ah loo wada saxiixi doono.