Heemaal News Network

Jabuuti Iyo Somaliland Oo Si Kala Duwan Uga Fal Celiyey Falkii Xerada Gen. Gordan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagaxiso ee shalay ka dhacay xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya oo dadaal adag ugu jira sidii argagaxisada dalka looga cirib tiri lahaa.

Jabuuti ms oo hadal qaadin Imaaraatka, kaliya tacsida waxay ku ekaysiisay Soomaali, balse maamulka Biixi ayaa dalka Emiraadka Carabta kaga tacsiyaysay dhimashada saraakiil waddankaas u dhashay oo halkaas u joogay tababar ciidan.

Qoraal lagu daabacay bogga X ee Wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay inay Somaliland iyo shacabkeeduba Emirate ka tacsiyadanayaan falkaas lagu laayey saraakiishoodii ku sugnaa Soomaaliya. Somaliland ma soo hadal qaadin Soomaliya, tacsideedana waxay ku ekeysiisay oo kaliya Imaaraadka Carabta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaaln

Ciidankii SSC Khaatumo Ee ku Dhaawacmay Dagaalkii Gooja-cade Oo Xaflad loo Qabtay

Heemaaln

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Oo Xilkii si rasmiya ula Wareegay.

Heemaaln