Heemaal News Network

Jabuuti Oo Mar Kale Ku Celisay In Ay Ka Soo Horjeedo Heshiiska Badda Iyo Kala Goynta Soomaaliya

Dowlada Jabuuti ayaa markale kasoo horjeedsatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo sheegtay in madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in loo bahanyahay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

“In xidhiidhka fiican ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarayay in uu sidii kusoo noqdo hadafkaa ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar qabaa, markaa gobolkeena dhibaatooyinkiisu way badanyihiin, dhibaato cusubna uma baahnin” ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in ay qabaan mawqif ah in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowlada Jabuuti anay aaminsanayn in Soomaaliya la kala jaro.

Waxa uu sheegay in isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya anay wali waxba ka hirgalin, isla markaana dowladaha Jabuuti iyo Kenya ka shaqaynayaan isku soo dhawaynta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Jabuuti ay hada hayso xilka hoggaanka urur goboleedka IGAD, isla markaana ay masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta nabada gobolka, iyo isku haynta dowladaha ururka xubnaha ka ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ganacsade Laga Afduubtay Muqdisho kaddib-na Lagu Dilay iyo Baaritaanno socda

Heemaaln

Mudaharaad Looga soo Horjeedo Ansixinta Dastuurka Somaliya Oo ka Dhacay Garoowe

Heemaaln

Wasiirka A.Guddaha Somaliya Oo Odayaasha Somaliland ku Booriyay Difaaca Bada Ee Damaca Itoobiya.

Heemaal