“Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska UNSOM oo intaas raaciyay “ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.
Waa markii labaad ee uu Swan shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, ka dib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.
14-kii bishan May, ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista Swan.