Jeneraal Al-Burhan iyo xubno kamid ah qoyskiisa kamid ah ayaa saakay aroortii hore ka dagay magaalada Ankara, halkaas oo la filayo in uu uga qeyb galo aaska wiilkiisa Maxamed oo u geeriyooday dhaawac shil kasoo gaaray.
Wiilka hoggaamiyaha dalka Sudan ayaa shil mooto galay dabayaaqadii bishii March ee sannadkan, waxaana tan iyo xilligaasi uu ku jiray isbitaal xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay, iyadoona ugu dambeyn dhaawacii soo gaaray u geeriyooday wiilkaasi.
Dowladda Turkiga ayaan faah faahin badan ka bixin qaabka uu u dhacay shilkan sababay geerida wiilka hoggaamiyaha dalka Sudan, waxaana wiilkan la sheegay in mooto uu watay ku dhacay gaari sidaasna uu dhaawac culus uga soo gaaray.
Hoggaamiyaha milatariga Sudan waxaa safarka deg dega ah uu ku tagay dalka Turkiga ku wehliya wasiirro katirsan dowladda Sudan, guddoomiyaal degmo, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo kala qeyb galaya aaska wiilkiisa.