Kulanka taliyaha iyo safiirka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka booliiska iyo safaaradda oo iyadu masuul uga ah dowladda Turkiga taageerada ciidamada booliiska ee dhinacyada tababarka , taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda .
Asad Diyaano ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada booliiska waxa uuna safiirka ka codsaday in gacan ka siiyaan dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Boliiska Soomaaliya una xilsaaran sugidda Amniga iyo ka hortagga falalka guracan.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa ayna Turkiga si gaar ah u tababaraan sidoo kale u taakuleeyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.