Heemaal News Network

Jeneraal Hemedti Oo Guul Darro weyn Qirtay Hanjabaad Cusubna soo Diray

Taliyaha ciidanka gurmadka degdegga ee loo yaqaan RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti), ayaa qirtay in ciidankiisa ku guuldareesteen in ay sii joogaan magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, kaddib markii weerar culus kala kulmneen ciidanka milatariga.

Muuqaal uu soo duubay Jeneraalka ayuu ku sheegay in ciidankiisa isaga baxeen magaalada Khartuum, waxa uuna qiray in dagaalkii ka dhacay caasimadda ciidankiisa looga adkaaay, balse waxa uu xusay in ay dib isku soo abaabuli doonaan.

Taliyaha ciidanka RSF , ayaa ku hanjabay in ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Khartuum iyaga oo ka awood badan sida ay hadda yihiin, waxa uuna sheegay in sidoo kale la wareegi doonaan gobolada kale ee Sudan ka kooban tahay ay joogaan hadda milatariga.

“Haa. Waan ka baxnay Khartuum, laakiin idinka Ilaahay waxaan soo laaban doonnaa annaga oo intan ka xoog badan. Waanan guulasyan doonnaa. Haddii Eebbe qaddaro, waan jabin doonnaa. Ma aha keliya Omdurman, laakiin waxaan qabsan doonaa Khartuum, Baxri iyo dhammaan 18-ka gobol.”” ayuu yidhi Janaraal Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti).

Hadalka taliyaha ciidanka RSF , ayaa kusoo adaya xilli ciidanka milatariga Sudan guulo waa weyn ka gaareen dagaalkii ay kula jireen ciidanka RSF, waxa ayna milatariga mar kale sheegeen in ay hubka u qaada doonaan sidii kooxdan looga sifeyn lahaa guud ahaan dalka Sudan.