Dowladda Congada Dimuquraadiga, ayaa wada qorshe xasaannadda looga qaadayo Madaxweynihii hore ee dalkaasi Joseph Kabila, oo dowladda ku eedeysay in uu taageero u fidiyay fallaagada M23 ee dagaalka adag kula jirta dowladda.
Senatarada Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ee Congo ayaa ansixiyay codsi ka yimid dowladda oo ah in laga xasaanadda laga qaado Joseph Kabila, si Madaxweynihii hore ee dalkaasi loo soo taago maxkamad looguna qaado dacwado ay kamid tahay in uu taageero fallaagada M23.
Fallaagada M23 ayaa qabsaday dhul badan oo kuyaalla dalka Congo, waxa ayna dowladda ku eedeysay fallaagadaasi in ay taageero ka heshay dowladda Rwanda iyo sidoo kale madax hore oo dalka soo martay uu ku jiro Joseph Kabila.
Madaxweynihii hore dalka Dimuquraadiga Joseph Kabila, ayaa xilka ka degay sannadkii 2019-kii, waxaana markaasi kaddib loo magacaabay senatar sharafeed noloshiisa oo dhan, taasoo uu ku helay faa’iidooyin ay ka mid tahay xasaanad ka difaacaysa dacwad oogis.
Xaalada dalka Congo, ayaana laga cabsi qabaa in ay uga sii darto qorshahan dowladda ku dooneyso in xasaanadda uga qaado dacwadna ugu soo oogto Madaxweynihii hore ee dalkaasi, oo la rumeysan yahay in wali uu leeyahay taageerayaal badan.