Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalkaan ku soo xidheen 13 qof oo afar ka mida ay yihiin kuwii dhalinyarada tahriibinaayey halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.
Laba ka mida dadkii la tahriibinaayey ayaa ku xidhan deegaanka Bilis Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose sida uu sheegay Taliye kuxigenka qaybta danbi Baadhista ee ciidanka booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose laba xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.