Wasaaraddu waxay cadeysay in sharci kasta ama hindise aan si wada jir ah loogu heshiin uusan matalin dowladda Jubbaland, waxaana ay sheegtay in sheey waliba oo aan heshiis lagu ahayn uusan dhaqaaqi karin.
War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda waxaa shaaca looga qaaday in Kaarka Aqoonsiga Qaranku aanu lahayn heshiis sharci iyo aqoonsi rasmi ah Sidaas darteedna uu maamulka Jubbaland u haysto inuu yahay hindise siyaasadeysan oo aan wax sharci ah ku lahayn dowladnimada.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kula talisay shacabka ku nool degaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland in aysan ka qeyb qaadan wax kasta oo ka hor imaanaya shuruucda iyo nidaamka u degsan Jubbaland.
Ugu dambeyn waxaa baaq adag loogu diray Shacabka Jubalanad in ay si dhab ah u dhowraan nidaamka sharciga ah ee ay dowladu Dowlad Goboleedka Jubaland u dejisay, kana feejignaadaan falalka keeni kara dhibaato ama xasilooni darro.