Waxaa kale oo golaha wasiirrada Jubbaland ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha amniga, Xaalada guud ee siyaasada dalka, Isbadalka Cimiladda, dardar galinta mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciyaaraha Degmooyinka Jubaland oo dhawaan la qabanayo.
Miisaaniyadda maamulka Jubbalabd , ayaa sare u kacday sannadka soo socda, waxaana lacagaha miisaaniyadda ee maamulka Jubbaland ka timaadaa dhinaca dekadda Kismaayo iyo lacagaha kabka ee dowladda bixiso.