Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo diyaarad laga soo saaray askar katirsanaa ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo askar kale oo iyana katirsanaa ciidanka booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Askartan Kismaayo diyaarada laga saaray oo gaaraya ilaa lix askari ayaa kamid ahaa ciidankii dowladda Soomaaliya geysay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ciidankan gacanta ku dhigay oo hubka ka dhigay kuwa maamulka Jubbaland.
Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi iyo saraakiil kale , ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka sagootiyay askartan katirsanaa ciidanka dowladda ee Muqdisho loo diray.
Maamulka Jubbaland , ayaa horey deegaanka Raaskanbooni ee gobolka JUbbada Hoose diyaarado uga saaray una diray magaalada Muqdisho askar badan oo katirsanaa ciidanka dowladda oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Raaskanbooni, halka kuwa kalana xadka Kenya galeen.